4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 27, 2022
Alshabaab oo sheegtay masuuliyada qarax Bosaso oo ka dhacay oo lala eegtay saraakiil ciidan

Khamiis, Janaayo, 27, 2022 (HOL) - Ururka Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyada qarax  miino oo shalay galinkii dambe ka dhacay magaalada Boosaaso  kaasoo lala eegtay goob ay ku sugnayeen saraakiil ciidanka amniga Puntland.

Ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa ayaa ku geeriyooday weerarkaas, waxaana ku dhaawacmay saddex kale oo uu ku jiro taliye ku xigeenkii hore booliiska gobolka Bari, Axamed Jaraale.

Weerarka ayaa ka dhacay maqaayad ku dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, wuxuuna ahaa miinada laga hago meelaha fog.

Ammanka magaalada Boosaaso ayaa faraha kasii baxaya, iyadoo isla shalayna magaalada lagu dilay taliyihii hore ee kantaroolka magaalada Bosaso.

Illaa iyo hadda saraakiisha amniga iyo maamulka gobolka Bari kama hadlin dhacdooyinkan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online