4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 26, 2022
Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay wakiilka cusub ee Ingiriisku usoo magacaabay Somaliland
 

Arbaco, Janaayo, 26, 2021 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabalay wakiilka cusub ee dowlada Ingiriisku dhawaan usoo magacowday Somaliland Lizzie Walker, iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan xafiiska Ingriiska ee Somaliland.

Warsaxafadeed kulanka kasoo baxday ayaa lagu sheegay in labada dhinac ka wada hadleen xidhiidhka Ingiriiska iyo Somaliland, waxaanu madaxweyne Biixi bogaadiyay doodii uu Baarlamaanka Ingiriisku ka yeeshay qadiyada aqoonsiga Somaliland.

“Madaxweynuhu wuxu uga mahadnaqay dowlada Ingiriiska iyo baarlamaankeeda-ba dadaalkii iyo juhdigii ay galiyeen, in dareenka madaxbannaanida Somaliland ay la wadaagaan beesha caalamka”.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Marwo Walker ay iyaduna dhankeeda bogaadisay horumarka iyo dimuquraadiyada ka jirta Somaliland, “Wakiilku waxay xustay in ay la dhacsantahay dadaalka horumarineed iyo dumuquraadiyadeed ee ka hana qaaday J. Somaliland”.

Kulanka waxaa madaxweynaha dhankiisa ku weheliyay Wasiir ku xigeenka Wasaarrada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga-caalamiga ah ee Somaliland Cabdinaasir Cumar Jaamac.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]