4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 26, 2022
Sarkaal ka tirsan ciidanka millateriga Somaliland oo la dilay
 

Arbaco, Janaayo, 26, 2022 (HOL) - Gaashaanle dhexe Cabdirisaaq Xasan Dalmar oo kamid ahaa ciidanka millateriga Somaliland, ayaa saaka askari kamid ah ciidan uu isagu maamulayay ku toogtay deegaanka Goroyo-cawl ee gobolka Awdal.

Askariga Dalmar toogtay ayaa la sheegay in dilka kadib ay ciidanku gacanta ku dhigeen, isla markaana la xidhay.

Dalmar ayaa kamid aha saraakiil tababar kusoo qaatay dalka Itoobiya, waxbarashadiisa kadibna kamid noqday hogaamiyayaasha ciidamada qalabka sida.

Wali xukuumada Somaliland si toos ah ugama hadal sababta dilka keentay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]