4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 26, 2022
Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo qabtay doorashada saddex kursi oo katirsan aqalka hoose


Arbaco, Janaayo, 26, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Jubbaland ayaa maanta qabtay doorashada saddex kursi oo kamid ah kuraasta aqalka hoose.

Xasan Xuseen Maxamed oo ku tartamayay kursiga hop 126 ayaa noqday musharraxii ugu horreeyay ee kusoo baxay doorashada maanta ka dhacday magaalada Kismaayo.

Xildhibaankaan ayaa helay codad gaaraya 74-cod. Musharraxa kursiga kula tartamayay oo lagu Cabdiraxman Macalin Xuseen ayaa isna helay cod-26.  Shan cod ayaa khasaaray sida uu guddigu sheegay.

Dr. Axmed Aadan Axmed ayaa ku guuleystay kursiga labaad ee doorashada maanta dhacday, kursigaas oo Tirsigiisa uu yahay Hop127, isagoo helay 84 cod, halka musharaxii la tartamayay Cabdiqaadir Cabdullahi Xirsi uu heley 16 cod.

Kursiga saddexaad waxaa ku guulaystay Yuusuf Maxamed Ismaaciil, oo ku tartamayay kursiga tirsigiisu yahay Hop-118, kadib markii uu doorashada ka tanaasulay musharraxii la tartamayay oo lagu magacaabo Cumar Maxamed Cumar.

Doorashada maanta ka dhacday Jubbaland ma ahayn mid ay loolan adag ku galeen musharraxiinta tartamayay, waxaana xidlhibaannada guulaystay ay kusoo baxeen codad ka badan saddex meelood labo meel oo kamid ah tirada guud ee ergada.

Ma muuqato wax isbedel ah oo ka dhashay shirkii golaha wadatashiga, waxaana doorashooyinka hadda socda inta badan kusoo baxaya skahsiyaad aad ugu dhow madaxda dowlad goboleedyada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online