3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 14, 2022
Dowladda Soomaaliya oo xiriirka Itoobiya awgii u diiday kaalmo uga imaan lahayd Masar

Jimco, Janaayo, 14, 2022 (HOL) - Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamed ayaa sheegay in  Soomaaliya ay diiday deeq daawo ah oo uga imaan lahayd Masar, sababo la xiriira xiriirka Itoobiya awgii.

Wasiirkii hore oo wareysi siiyay TV-ga BS TV ayaa sheegay in Villa Somalia ay ka codsatay Masar in ay joojiso diyaarad nuuceedu yahay C-130 oo ay u soo diri lahayd Soomaaliya si ay u soo daabusho gar gaar caafimaad oo ay ugu deeqday Jaamacada Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo saaxiib dhow la ah madaxweyne Farmaajo ayaa dowladdiisa wuxuu khilaaf xooggan kala dhexeeyaa Masar, khilaafkaas oo ku saabsan dhismaha biyo xireenka weyn ee Korontada ay ka dhiseyso Wabiga Niilka Buluuga ah.

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud wuxuu sheegay in Soomaaliya iyadoo u xaglinaysa Itoobiya in ay diiday in ciidamo Soomaaliyeed lagu tababaro Masar iyo in Qaahira laga siin waayo dhul ay Muqdisho ka dhisato safaarad cusub, waa sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu ka hadlayay xil ka qaadistii lagu sameeyay, wuxuu sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhu ay xilka kaga qaadeen sababo la xiriira mowqifkiisa dhex dhexaadnimada ah ee uu ka qaatay dagaalka u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo TPLF.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
1/14/2022 12:15 PM EST
Jimco, Janaayo, 14, 2022 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Jigjiga lasoo gaarsiiyay deeq raashin ah, oo loogu talagalay shacabka ay abaaruhu saameeyeen ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

1/14/2022 4:52 AM EST
Jimco, Janaayo, 14, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa soo dhoweeyay shir-madaxeedka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan heshiiska looga gaaray dhameystirka doorashada.

1/14/2022 1:00 AM EST
Jimco, Janaayo, 14, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in berrito oo sabti ah ay dib u billaaban doonaan doorashooyinka golaha shacabka.

1/14/2022 12:44 AM EST
Jimco, Janaayo, 14, 2022 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibaddaa Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Suudaan laga dhaafo lacagta degenaanshaha, lacagta ganaaxa iyo lacagta kaararka shaqada.

1/14/2022 12:40 AM EST
Jimco, Janaayo, 14, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciidi Deni ayaa guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Bari oo maalmahaan ay ka jiraan xasarado ka dhashay xil ka qaadistii lagu sameeyay agaasimihii hay'adda PSF.

1/14/2022 12:38 AM EST
Jimco, Janaayo, 14, 2022 (HOL) - Dowladda Germany ayaa diiday caddeymaha aqoonsiga Soomaalinimada wixii ka dambeeyay 1991, markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaaliya.