4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 31, 2022
Ciidamada Eritariya oo ka baxay inta badan meelihii ay ka joogeen gobolka Tigray
 

Sabti, December, 31, 2022 (HOL) - Ciidamada dalka Eritariya oo muddo dheer ku sugnaa meelo badan oo kamid ah gobolka Tigray ayaa la sheegayaa inay billaabeen inay ka baxaan inta badan goobihii ay kaga sugnaayeen gobolka Tigray.

Sida ay goobjoogayaal u sheegeen Warbaahinta waxaa magaalooyinka waawayn ee ay joogeen Ciidamada Eritariya lagu arkayay gawaarida ciidanka Eritariya oo ay saaran yihiin ciidamo badan kuwaas oo kusii jeeda dhinaca xuduudda u dhaxaysa Tigray iyo Eritariya.

Inkastoo arrintan aysan wali ka hadlin dowladda Itoobiya, Eritariya iyo maamulka gobolka Tigray haddana dadka falanqeeya arrimaha gobolka Tigray waxay aaminsan yihiin in Eritariya aysan dhayal uga wada baxayn gobolka Tigray.

Eritariya ayaa soo gashay dhulka Tigray kaddib markii uu billowday dagaalkii u dhaxeeyay dowladda Itoobiya iyo TPLF labo sano ka hor, iyadoo wakhtigaa gacansiinaysay dowladda Itoobiya.

Wixii intaa ka dambeeyay dowladda Eritariya waxay qabsatay dhul kamid ah gobolka Tigray oo dhaca dhinaca xuduudda, oo ay ku doodaysay Eritariya inay iyadu lahayd.

Inkastoo aan si cad loogu xusin heshiiskii ay wada galeen Itoobiya iyo TPLF arrinta Ciidamada Eritariya ee ku sugan gobolka Tigray, haddana TPLF waxay xilligaa ilaa maanta ay ku celcelisaa in Eritariya ay Ciidamadeedu ka baxaan gobolka Tigray.

Dowladda Itoobiya iyo TPLF ayaa dhawaan heshiis ku gaarey Koonfur Afrika iyo Kenya, iyadoo qodobadii lagu heshiiyay ay intoodii badnayd hirgaleen haddana arrinta Eritariya waa mid wali aan si buuxda looga qancin shacabka gobolka Tigray.