4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 30, 2022
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo ka hadlay xaalada magaalada Laascaanood
 

Jimco, December, 30, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw ka hadlay dhibaatada ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool iyo amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan ehelada ay ka geeriyoodeen dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay banaan baxyada Maalintii afaraad ka socda magaalada Laascaanood, wuxuuna xusay in dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin badan soo mareen, Maantana aysan mudneyn in dib loogu celiyo dhibaatooyinkaas.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay Soomaaliland in xaalada magaalada laascaanood ay ku wajahaan xal aan xabad aheyn, wuxuuna sheegay in dowladda Fedaraalka ay mudnaan weyn siinayso xasilloonida, nabadda, adkeynta walaalnimada iyo wada noolashaha dadka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka ku nool magaalada Muqdisho ku adkeeyay iney la shaqeeyaan ciidamada dowladda ee u heelan fashilinta weerarada kooxda Al-shabaab.

Gabagabadii Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale sheegay inuu ka xun yahay wadooyinka magaalada Muqdisho ee xirna labadii maalmood ee lasoo dhaafay, taasoo uu ku tilmaamay iney aheyd mid ay sababtay daruufo la xariira dhanka amaanka, maadama magaalada Muqdisho uu marti ku ahaa madaxwweynaha dalka Jabuuto Ismaaciil Cumar Geelle, islamarkaana laga gudbi doono arimaha noocaan oo kale.