4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 27, 2022
Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland oo maleyshiyaad kasoo horjeeda doorashada qof iyo cod ku abaabulay gobolka Nugaal
 

Talaado, December, 27, 2022 (HOL) - Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal, ayaa maleyshiyo beeleed ku arursaday deegaanka Karin-dhiig oo dhacda laamiga xiriira degmooyinka Garowe iyo Dangarayo ee gobolka Nuagal.

Ciidamadan ka amarqaata Xasan Shire Abgaal oo ku hubaysan tiknikada dagaalka, ayaa la sheegay inay xalay ka guureeyeen magaalada Garowe, iyagoo farriisimo ciidan ka sameystay buur kutaala deegaanka Karin-dhiig.  

Wasiirka arrimaha gudaha, Cabdi Faarax Siciid Juxa oo warbaahinta gudaha la hadlay, ayaa ku eedeeyay Xasan Shire inuu iskudayayo inuu jigdooyo u dhigto arrimaha doorashada.

Wasiir Juxa wuxuu sheegay in maamulka iyo bulshada reer Nugaaleedka ay talo iyo go’ aan midaysan ka yeelanayaan waxa laga yeealayo collaadda uu sheegay in wasiir hore Xasan Shire uu ka abaabulayo gobolka Nugaal.

“Xasan Shire isagaa isoo wacay oo igu dhahay dagaal ayaan galayaa. Ciidanka isagaa halkaas geeyay,” sidaas waxaa yiri wasiirka arrmaha gudaha, Mr Juxa.

Xasan Shire ayaa kamid ah siyaasiyiinta reer Nugaaleedka ee aadka ugasoo horjeeda doorashada “Qof iyo Cod” taasoo ay Puntland qorshaynayso inay dhawaan qabato.

24-kii bishii September ayay ahayd markii uu madaxweyne Deni xilka qaaday Xasan Shire Abgaal, oo lagu tirin jiray wasiirka ugu awoodda badan ee xukuumadda Deni.

Arrimahan waxay kusoo aadayaan, xilli guddiga doorashada Puntland uu wado diyaar garowga diiwaan galinta cod bixiyaasha doorashada.