4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 26, 2022
Waftdi ka socda dowladda Itoobiya oo maanta gaaray magaalada Maqale ee gobolka Tigray
 

Isniin, December, 26, 2022 (HOL) - Waxaa galinkii hore ee maanta ka dagay caasimadda gobolka Tigray ee Maqale Wafdi ka socday dowladda Itoobiya oo uu hoggaaminayo Afhayeenka Baarlamaanka Itoobiya Tagese Tafo, iyadoo halkaa ay wafdiga kusoo dhaweeyeen masuuliyiinta u sarreysa TPLF, ee gacanta ku haya maamulka gobolka Tigray.

Ujaadada socdaalka wafdigan ee magaalada Maqale ayaa lagu sheegay inay u kuurgeli doonaan qaabka uu u dhaqan galay heshiiskii nabadeed ee dhawaan ay wada galeen dowladda iyo TPLF, sida ay baahiyeen Warbaahinnada kala duwan ee ku hadla afka dowlada iyo kan TPLF.

Sidoo kale waxaa socdaalka Wafdigan ku weheliya Madax ka kala socda laamaha kala duwan ee dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn, sida Bangiyada, Isgaarsiinta iyo masuuliin kale.

Wafdigan ayaa noqonaya kii u horreeyay ee muddo labo sano ah kaddib gaara gobolka Tigray gaar ahaan magaalada Maqale, iyadoo arrintana ay muujinayso in heshiisku uu noqday mid midho dhal ah.

Socdaalka Wafdigan ayaa kusoo hagaagaya xilli la filayo in maalmaha soo socda ay Maqale gaaraan Wafdi ka socda Midowga Afrika oo uu wehelinayo Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuro Kenyatta.