4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 26, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo furay shirka wadatashiga dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada
 

Isniin, December, 26, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirkii 4-aad ee golaha wadatashiga qaranka ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah oo maanta ka furmay madaxtooyada Qaranka.

Sida ay madaxtooyadu sheegtay, shirkan ayaa looga hadlayaa arrimaha federaalka, garsoorka iyo asteynta awoodaha Federaal iyo heer goboleed.

Shirkaan ayaa qeyb ka ah dhammeystirka fulinta qodobbadii warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gaba-gaboobay magaalada Muqdisho 12-kii Sebteembar.

Sidoo kale, Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed waxay iska xog-wareysan doonaan  dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo Ciidamada xoogga dalka ay ka soo hoyeen guulo waaweyn, kana xoreeyeen deeganno badan oo ay horey kooxda Alshabaab u haysteen.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, Madaxda Dowlad-Goboleedyada, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.