4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 23, 2022
Madaxweyne Lafta Gareen oo lagu eedeeyay inuu weeraray guryaha musharraxiinta Koonfur Galbeed
 

Jimco, December, 23, 2022 (HOL) - Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti), ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen inuu amar ku bixiyay weerar uu sheegay in lagusoo qaado hoygiisa magaalada Baydhabo.

Maxamed Ibraahim Fargeeti oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu qaadanayo masuuliyadda iyo khasaaraha ka dhashay dagaalka saakay ka dhacay magaalada Baydhabo.

“Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday, afar sano ayuu shacabka Koonfur Galbeed ku haayay cago juglayn, xarig iyo tahdiid. Wixii markay ka dhamaadeen oo natiijo ka keeni waayay, ayuu go’aansaday gacan ka hadal,” sidaasi waxaa yiri Fargeeti u taagan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Maxamed Ibraahim Fargeeti ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS inay soo fara galiyaan xaaladda Koonfur Galbeed, lana xisaabtamaan cid kaste oo iska lahayd masuuliyadda khasaaraha ka dhashay dagaalka saaakay ka dhacay magaalada Baydhabo.

Sidoo kale, madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheikh Aadan, ayaa sheegay in lala xisaabtamidoono madaxweyne Lafta Gareen, isagoo sheegay in waqtigiisii uu dhamaaday.