4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 23, 2022
Xiisado colaadeed oo ka dhan ah muddo kororsiga madaxweyne Lafta Gareen oo ka socda Baydhabo
 

Jimco, December, 23, 2022 (HOL) - Xiisado colaadeed ayaa saakay lagasoo sheegayaa magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka  Koonfur Galbeed Soomaaliya, xiisadahaas oo ka dhashay diidmo laga muujinayo muddo kororsiga madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Xaafadaha qaar ayaa lagasoo sheegayaa inuu ka dhacayo iska hor imaad u dhaxeeya ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa mucaaradka ah. Iska hor imaadku wuxuu salka ku hayaa waqti-kororsi uu sameeyay madaxweyne Laftagareen, iyadoo ay siyaasiyiintii mucaaradka ka horyimaadeen.

Dadka magaalada Baydhabo ayaa dareemaya walaac weyn oo amnigooda ku saabsan, iyadoo afar sano kadib magaalada Baydhabo laga maqlayo daryanka hubka dardooriga u dhaca.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka ka dhacay xaafado katirsan magaalada Baydhabo. Waxaase laga cabsi qabaa inay dadku guryahooda ka barakacaan, xilli lagu jiro daruufo adag oo ka dhashay abaaraha.

Siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo maleyshiyaad ku urursaday qeybo kamid ah magaalada Baydhabo ayaa ku hanjabaya inay awood xilka uga tuurayaan madaxweyne Lafta Gareen, haddii uusan qaban doorashada.