4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 19, 2022
Saraakiil ku sugan magaalada Baydhabo oo ku dhawaaqay ciidan la baxay Badbaadada Koonfur Galbeeed
 

Isniin, December, 19, 2022 (HOL) - Iyadoo xaalada siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya maalmahii lasoo dhaafay ay aheyd mid sii cakirmeysay ayaa hadana Maanta waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay looga dhawaaqay ciidan la baxay Badbaadada maamulka Koonfur Galbeed.

Saraakiil kasoo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo sugan Baydhabo ayaa ku dhawaaqay ciidanka Badbaadada maamulka Koonfur Galbeed.

"Mar walba aad maqashaan ciidanka badnaada waxaa la doonaya in lagu badbaadiyo nidaamka markaasi meesha ka jira iyo nabadgalayada dadka deegaankaasi, anaga waxaan u diyaar nahay badbaadada shacabka reer Koonfur Galbeed, waxaan diidanahay mudo kororsiga madaxweynaha Koonfur Galbeed oo waqtigiisa dhamaaday" ayuu yiri mid ka mid ah Saraakiisha Baydhabo kaga dhawaaqay ciidanka badbaadada Koonfur Galbeed.

Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo mudo xileedka rasmiga ah ee madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen uu ku egyahay Maanta oo ay taariiqda ku beegan tahay 19-ka bisha Decembar, waxaana xusid muda in Golaha Wakiiladda Koonfur Galbeed ay madaxweyne Laftagareen horay ugu sameeyeen mudo kordhib hal sano ah oo ku eg 19-ka bisha Decembar ee sanadka soo socda 2023-ka.