4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 19, 2022
Senator Saciid Siyaad: Ninkii wiilkeenna dilay waxaa gatay oo sii daayay Shuute iyo Maxkamaddda
 

Isniin, December, 19, 2022 (HOL) - Senator Saciid Siyaad oo katirsan barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya, ayaa ku eedeeyay maxkamadda ciidamada qalabka sida inay sii daysay eedeysane dil ku xukumnaa, kaas oo dilay qof shacab ah oo kasoo jeedo dadka uu matalo.   

Senatorka ayaa tilmaamay nin ay maxkamaddu dhawaan ku xukuntay dil toogasho, in uusan ahayn dambiilaha saxda ahaa ee ka dambeeyay dilka Maxamed Xaashi Faarax oo uu adeer u ahaa, kaas oo bishii Octobar ee sanadkan u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray rasaas uu furay askari katirsan ciidanka Taraafikada, sida ay sheegeen ehelada marxuumka.

Senator Siyaad ayaa guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, gaashaanle sare Shuute, ku eedeeyay inuu fasaxay oo uu gatay askarigii dambiilaha ahaa ee dilka geystay.

"Ninka la xukumay ee Shabaab waaye la yiri annaga wiilkeenna ma dilin, naloo toogan maayo, ninkii wiilkeenna dilay waxaa gatay oo sii daayay Shuute iyo Maxkamaddda. maalin kastana waxaa la toogto waa dad lakala gatay,” ayuu yiri senator Siyaad.

Siyaad wuxuu sheegay askariga dilka geystay in lagu magacaabo Cabdi Maxamed Aamiin, halka midka maxkamaddu Shabaab ahaan u xukuntay lagu magacaabo Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow.

Si kastaba ahaatee, hadalka senatorka ayaa kusoo aadaya, iyadoo uu muran ka taagan yahay xukunka maxkamaddu dhawaan riday.

Horey wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa ugu baaqay inay maxkamaddu hubiso xukunka kiiskan.