4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 19, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose
 

Isniin, December, 19, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo Xalay degmada Qoryooleey ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ATMIS oo isku dhinac ah iyo kuwa Ururka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xoogga hubeysan ee Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga ciidamada dowladda iyo  Uganda ee ka tirsan holwgalka ATMIS ay ku leeyihiin degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid xoogan oo socday ku dhawaad hal saac, kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, hayeeshe lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Dadka ku nool degmada Qoryooleey oo qaarkood la hadlay warbaahinta waxay sheegeen in hubka dagaalka la isku adeegsaday ay qeyb ka ahayeen madaafiic ay ciidamada Uganda ku garacayeen dhanka uu kaga ymid weerarka dagaalamayaasha kooxda Shabaab.

Majirto wax war ah oo wali kasoo baxay dhanka Saraakiisha ciidmada ATMIS iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.