4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 18, 2022
Argentine oo ku guulaysatay koobka adduunka 2022 iyo Messi oo rumeeyay riyadii sii ugu weynayd
 

Axad, December, 18, 2022 (HOL) - Lionel Messi ayaa ugu danbayn gaadhay riyadiisii ugu weynayd ee koobka aduunka iyada oo Argentine ay ku guulaysatay koobkii saddexaad adduuka ka dib mid ka mid ah finalkii ugu fiicnaa taariikhda oo ka dhacay Lusail Stadium- Qatar.

Argentine ayaa 4-2 oo gool ku laad ah ku badisay ka dib ciyaar cajiib ahayd oo la wada sugayay oo dhex maraysay 35 jirka Lionel Messi iyo xulka France oo uu horkacayay Kylian Mbappe oo dhaliyay saddexleydii ugu horeeysay ee finalka koobka adduunka. tan iyo 1966.

Messi ayaa u muuqday mid xaqiijisanayay hal koob oo weyn oo ka maqnaa koobabkiisa tirada badan ee uu horey ugusoo guulaystay.

Argentine ayaa hoggaanka ku heysay labo gool qeybtiii hore ee cayaarta, ka hor inta uusan Mbappe qaybtii dambe ka dhalinin labo gool cajiib ah muddo labo daqiiqo gudahood.

Watigii dheeriga ee lagu daray cayaarta, Messi ayaa goolkii saddexaad u keenay xulkiisa, laakiin cayaartu markay labo daqiiqo ka dhiman tahay ayuu Mbappe gool rigoore ah u dhaliyay xulkiisa. Waxayna cayaartu ku dhamaatay 3-3.

Kaddib waxaa la isla aaday gool ku laad ama rigoorayaal. Argentine ayaana  4-2 ku badisay gool ku laadyada, taasoo ka dhigtay inay markii saddexaad ku guulaystaan koobka adduunka.