4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 18, 2022
Wasaaradda Amniga Maamulka Koonfur Galbeed oo amaro culus duldhigtay ciidamada dowladda iyo dadka hubeysan
 

Axad, December, 18, 2022 (HOL) - Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Amniga maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Isaaq Cabdi ayaa amaro culus lagu duldhigay ciidamada dowladda iyo dadka heysta hubka sharciyeysan iyo midka aan sharciyeysneen inaan magaalada Baydhabo lagu dhex wadan karin wax hub ah.

Wareegtada Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed ayaa lagu amray dhamaan ciidamada xoogga dalka qeybta 60-aad iney ku sugnaadaan xeryahooda ciidan, islamarkaana askarigii lagu dhex arko gudaha magaalada Baydhabo isagoo hub ku dhex wata laga qaadi doono talaabo sharci ah.

Waxaa sidoo kale wareegtada lagu faray askarta ka tirsan Ciidanka Booliska, Daraawiishta iyo kuwa Nabadsgida ineysan hub ku dhex qaadan karin magaalada gudaheeda, iyagoo aanan wadan dareeskooda ciidan.

Wareegtada Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadka rayid ah ee heysta hubka loo ogolaaday ineysan u isticmaali karin sifadii loogu ogolaaday si ka duwan, iyadoo shaqsiyaadka kale ee haysta hubka aan sharciyeysneena lagu amray in 10 cisho gudahood ku ymaadaan xarunta Wasaaradda Amniga.

Hoos ka akhriso Wareegtada oo dhameystiran:-