4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 18, 2022
Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay mid kamid ah nabadoonadii Alshabaab oo isisoo dhiibay
 

Axad, December, 18, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa maanta gobolka Shabeelladda dhexe kusoo bandhigtay Saciid Xuseen Raage oo lagu sheegay inuu ahaa nabadoonadii la shaqeyn jiray Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay nabadoonkaan inuu ka howlgalli jiray aagga deegaanka Masaajid Cali-Gaduud illaa deegaanka Guulane, Islamarkaana uu Alshabaab u qaabilsanaa ururinta Sakawaadka.

Nabadoonkan wuxuu maanta isku soo dhiibay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee ku sugan deeggaanka dhawaan laga xoreeyay Alshabaab ee Furqaan ee Sh/Dhexe.

Nabadoonkan waxaa uu kamid ahaa dadkii Shabaabka horey usii raacay kaddib markii laga saaray deegaanka Masaajidka Cali Gaduud.

Duullaan culus oo lagu qaaday deegaannada Shabaabku weli ku dhuumaalaysanayaan ayaa waxay keentay in dad badan oo katirsanaa ay dib ugu soo laabtaan dhulkii la xoreeyay.

Dowladda ayaa horey u ballanqaaday in aanan la taabandoonin cid kaste oo gacanta dowladda iskusoo dhiibta, kanasoo baxda Alshabaab.