4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 17, 2022
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Al-Shabaab ay si bareer ah u barakicinayaan dadka rayidka ah

Sabti, December, 17, 2022 (HOL) - Milateriga Soomaaliya ayaa Al-Shabaab ku eedeeyay in ay si bareer ah dadka rayidka ah uga barakiciyeen tuulooyin iyo magaalooyin ay ka qabsadeen  ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macaawisleyda.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay, in istaraatiijiyada Al-Shabaab ay tahay sidii looga hortagi lahaa inay dadku xiriir la yeeshaan oo la shaqeeyaan dowladda.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay billaabeen afduubshada qoysaska ciidamada Macaawisleyda ee iskood isku abaabulay ee dagaalka kula jira Alshabab, sida ay saraakiishu sheegeen.

 “Waxay soo kaxeysteen qoysas badan, sababtoo ah waxay ku eedeeyeen inay wiilashooda u fasaxeen inay ku biiraan Macawiisleyda, waxayna sheegeen in wiilashooda ay hubka u qaateen Al-shabaab,” ayuu yiri S/guuto C/llaahi Cali Caanood oo ah afhayeenka ciidamada milateriga Soomaaliya.

Caanood ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee kooxda Alshabaab ay dadka rayidka ah uga saarayaan magaalooyinka ay tahay in ay ka hor istaagaan dadka in ay xiriir la sameeyaan dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay Al-shabaab kala wareegeen ku dhawaad 70 deegaan. Magaaladii ugu dambeysay ee weyn ee lagala wareego waxay ahayd Aadan Yabaal oo katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Badi deegaannada laga saaray Alshabaab waa faaruq, waxaana u sabab ah kaddib markii Alsabaab ay horey usii kaxayaysteen dadkii shacabka ahaa.