4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 16, 2022
Madaxweynaha Somaliland oo fariin u diray shacabka, xisbiyada iyo ururada cusub
 

Jimco, December, 16, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ugu baaqay in ay isdiwaangaliyaan, isaga oo xisbiyada iyo ururadana ugu baaqay in ay si miyir qabta usoo bandhigaan aragtidooda iyo ololahooda marka doorashada la gaadho.

Madaxweyne Biixi ayaa shacabka ku booriyay in ay si mugleh uga qaybgalaan diwaangalinta cod bixiyayaasha ee bilaabmaysa 28 bishan, isaga oo si gaar ah baaq ugu diray gobolada qaar kood oo aan dadkoodu si fiican isu diwaangalin barigii hore.

“Waxan ugu baaqayaa ciddii kaadh ku ka lumay ama meel u beddelanaysa ama immika soo gaadhay da’dii la diiwaangelinayey in la siiyey fursad qaali ah oo qaranka qiimo weyn ku joogta, si gaar ahna gobollada aan hore isu diiwaangelin waxan ugu baaqayaa inay isdiiwaangeliyaan oo ay maanta codkooda kaga qaybgalaan dalka hoggaamintiisa" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa xisbiyada iyo ururada siyaasada ee cusub ugu baaqay in ay si bisayl ka muuqdo usoo bandhigaan aragtiyahooda siyaasadeed, oo wax lagu farxo mooyaane anay wax laga naxo la shir iman.

“Markay diiwaangelintu dhammaato, ururrada iyo xisbiyada tartami doona ee 13-ka ah waxa laga rabaa inay dadka tusaan hadalkooda, qorshahooda iyo ficilkoodaba inay yihiin dad waayeel ah oo u bisil dalkan hoggaamintiisa oo wax lagu farxo mooyaane wax laga naxaa aanu addinkooda iyo afkooda midna ka muuqan" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Diwaangalinta cod bixiyayaasha Somaliland ayaa bilaabmi doonta 28 bishan December, iyadoo wali anay mucaaradka iyo xukuumadu ka heshiinin ta soo horaynaysa doorashooyinka ururada iyo madaxtooyada.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]