3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 5 , 2022
Maraykanka oo gaadiidka gaashaaman ugu deeqay ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS


Jimco, Agoosto, 5, 2022 (HOL) - Mareykanka ayaa 24 ka mid ah gawaarida gaashaaman ugu deeqday howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, saddex bilood ka dib weerarkii ugu dhimashada badnaa ee muddo sanado ah lagu qaado howlgalka nabad ilaalinta ee uu Mareykanka taageero.

Wareejintan oo ay goob joog ka ahaayeen safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andrè iyo saraakiil sare oo ka tirsan Midowga Afrika ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

24-ka gawaarida gaashaaman oo ay ku deeqday dawladda Maraykanka ayaa loogu talo galay inuu ciidamada midowga Afika ee ATMIS ka caawiyo inay la dagaalamaan kooxda  Al-Shabaab.

Gaadiidkan waxaa isticmaali doona ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa, kuwaas oo ka hawlgalo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Danjiraha Maraykanka ayaa sheegay in gaadiidkan uu ka ilaalin doonaan ciidamada bambooyinka lagula aaso wadada dhinaceeda.

“Sida aan ku muujinayno taageeradayada, waxaa ka mid ah, ku deeqidda gaadiidkan si aan uga caawinno ilaalinta ciidamada Midowga Afrika – gaar ahaan ciidamada Jabuuti – marka ay marayaan waddooyinka Soomaaliya oo inta badan loogu xiro walxaha qarxa ee halista ah. si loo dhibaateeyo kuwa doonaya inay caawiyaan Soomaaliya oo kaliya,” ayuu yiri Andre.

Sarkaal ka tirsan Midowga Afrika, oo lagu magacaabo Fiona Lortan, ayaa sheegay in qalabkan milateri uu soo gaaray waqti ku habboon, iyadoo howlgalka uu dib u habeyn ku sameynayo ciidamadooda iyo qalabkooda.

Bishii May, kooxda Alshabaab ayaa weerartay saldhigga ciidamada ATMIS ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo loo adeegsaday oaraxyo ismiidaamin ah oo lagu qarxiyay saddex baabuur oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.












Click here
8/5/2022 2:31 PM EST
Jimco, Agoosto, 5, 2022 (HOL) - Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala beegsaday xero ciidan oo ku taal deegaanka Kalabayr ee gobolka Hiiraan.

8/5/2022 11:24 AM EST
Jimco, Agoosto, 5, 2022 (HOL) - Wararka aanu ka helayno meel u dhaw degmada Qabribayax oo lagu magacaabo Qaaxo ayaa sheegaya in hal qof uu u geeriyooday tiro kalena xaaladooda caafimaad laga dayrinayo kadib markii ay ku sumoobeen neef geela oo ay hilibkiisa cuneen.

8/5/2022 10:43 AM EST
Jimco, Agoosto, 5, 2022 (HOL) - Mooto Bajaaj laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa ku qaraxday iyadoo maraysay waddo ku taalla xaafadda Taleex ee Magaalada Muqdisho, lamana oga halka ay ku socotay.

8/5/2022 9:27 AM EST
Jimco, Agoosto, 5, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, halkaas oo la sheegayo inay ku casuumtay dowladda Ethiopia.

8/5/2022 7:39 AM EST
Jimco, Agoosto, 5, 2022 (HOL) - Dowladda Uganda ayaa martigelin doonta shir ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya, iyadoo ay kulmidoonaan guddiyo heer wasaaraddeed oo labada dal ka kala socda, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas.

8/5/2022 5:37 AM EST
Jimco, Agoosto, 5, 2022 (HOL) - Shir ay yeesheen Maamulka iyo Hay'adaha Ammaanka ee gobolka Afdheer ayaa waxay kaga hadleen xaaladihii u dambeeyay ee gobolkaasi iyo waliba sidii loo xoojin lahaa Ammaanka gobolka Afdheer iyo xuduudaba.

8/5/2022 3:26 AM EST
Jimco, Agoosto, 5, 2022 (HOL) - Masuuliyiin katirsan dowlad deegaanka Soomaaliya iyo Hirshabeelle, ayaa kulan ku saabsan xoojinta dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, ku yeeshay deegaanka Labo baar oo katirsan degmada Shilaabo ee gobolka Qoraxeey.

8/5/2022 1:48 AM EST
Jimco, Agoosto, 5, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulka Jubbaland, Suldaan Cabdiqaadir Luga-dheere, ayaa isagoo ku hadlayay magaca Jubbaland, waxa uu soo dhoweeyay xukuumadda cusub ee raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.