4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 4 , 2022
Qaramada Midoobay oo 9.5 milyan oo dollar ugu deeqday ka hortagga macluusha Soomaaliya
 

Khamiis, Agoosto, 4, 2022 (HOL) - Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini'aadantinimada ayaa bixisay 9.5 milyan oo dollar si gargaar bini'aadinimo oo deg deg ah loo gaarsiiyo bulshada ku dhaqan meelaha macaluusha ay ka jirto ee gudaha Soomaaliya.

Adam Abdelmoula, ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo isku duwaha gargaarka bini'aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sheegay in khatarta macluusha Soomaaliya iyo dadka ku barakacaya ay aad kor ugu kacday.

"Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay masiibo bini'aadantinimo, haddana maalgelinta loo baahan yahay si wax looga qabto baahiyaha sida xawliga ah u koraya ayaa weli ah mid aan ku filnayn si looga hortago macluusha," ayuu yidhi Adam Abdelmoula.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, khatarta macluusha ee Soomaaliya ayaa sii korodhay ka dib xilli roobaadkii afraad oo hoos u dhacay.

Waxay sheegtay in xaaladaha abaareed ee sii kordhaya ay saameeyeen in ka badan 7 milyan oo qof ayna barakiciyeen in ka badan 900,000 oo qof oo kale oo guryahooda ka barakacay iyagoo raadinaya biyo, cunto iyo daaq.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay dhaqaalaha ay bixisay inuu kor u qaadi doono jawaab celinta degdeg ah, si looga hortago natiijooyinka ugu xun ee ka dhashay xaaladda abaaraha ee Soomaaliya.