5/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 3 , 2022
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay deegaanka Golweyn ee gobolka Sh/hoose
 

Arbaco, Agoosto, 3, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Golweyn oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buulo mareer ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in Saakay uu halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray ciidanka ATMIS gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalka dhexmaray Al-shabaab iyo ciidanka Uganda ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga ciidanka Uganda ay ku leeyihiin deegaanka Golweyn ee gobolka Sh/hoose, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, hayeeshee lama oga khasaaraha rasmiga ee kala gaaray labada dhinac.

Ciidamada Uganda ayaa la tilmaamay iney rideen tiro madaafiic ah oo ay ku garaaceen jihada ay weerarka kasoo qaadeen dagaalamayaasha Al-shabaab, walow aanan wali lasoo warin khasaaraha ay geysteen madaafiicdaasi ay rideen ciidanka Uganda.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada Maanta ku dagaalamay deegaanka Golweyn ee gobolka sh/hoose, waxaasa la filayaa in saacadaha soo socda ay war kasoo kala saaraan labada dhinacba dagaalka saakay dhexmaray.

Al-shabaab ayaa mudooyinkii dambe kordhisay weerarada iyo qaraxyada ay ku beegsanayaan Saldhigyada ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwa dowladda Fedaraalka iyo maamul goboleedyada dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/3/2022 11:14 AM EST
Arbaco, Ogosto, 3, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa Booliiska Somaliland ku eedeeyay in uu baal maray xeerka booliiska lagu dhaqo.

8/3/2022 9:38 AM EST
Arbaco, Agoosto, 3, 2022 (HOL) - Xildhibaanada Baarlamaanka Maamul goboleeda Hirshabeelle oo Maanta kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa ansixiyay xubnaha Golaha Wasiiradda Hirshabeelle oo laba cesho ka hor uu magacaabay madaxweynaha Maamulkaasi Cali Guudlaawe Xuseen.

8/3/2022 8:44 AM EST
Arbaco, Agoosto, 3, 2022 (HOL) - Culimada dowlad deegaanka Soomaalida, ayaa kullan ay isugu yimaadeen oo uu goob joog ka ahaa madaxweyne Mustafe Cagjar, waxay ku cambaareeyeen duullaankii ururka Alshabaab uu kusoo qaaday gobolka Afdheer.

8/3/2022 7:23 AM EST
Arbaco, Ogosto, 3, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa xisbiyada mucaaradka uga digtay in ay dhigaan mudaharaad anay ogolaansho u haysan.

8/3/2022 7:16 AM EST
Arbaco, Ogosto, 3, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa beenisay war ay warbaahinta Somali Dispatch, ku sheegtay in xukuumada Somaliland si qasab ah ku masaafurisay 34 qof oo Itoobiyaan ah.

8/3/2022 7:06 AM EST
Arbaco, Agoosto, 3, 2022 (HOL) - Hay’adda dambi baarista dalka Kenya ayaa waxay gacanta ku dhigtay nin si aad ah looga baadi goobayay Kenya.

8/3/2022 2:42 AM EST
Arbaco, Agoosto, 3, 2022 (HOL) - Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal haysa in Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo horey uga tirsanaan jiray Alshabab, uu kamid noqdo golaha cusub ee wasiiradda Soomaaliya.

8/3/2022 2:16 AM EST
Arbaco, Agoosto, 3, 2022 (HOL) - Haweeney Soomaali ah, oo haysata dhalashadsa Holland ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah, kadib markii lagu soo eedeeyay inay lacago boqolaal dollar ah ugu deeqday kooxda Al-Shabaab.