5/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 3 , 2022
Magacaabidda Mukhtaar Roobow oo hadal hayn badan ka abuurtay warbaahinta caalamka
 

Arbaco, Agoosto, 3, 2022 (HOL) - Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal haysa in Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo horey uga tirsanaan jiray Alshabab, uu kamid noqdo golaha cusub ee wasiiradda Soomaaliya.

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa hoggaamiye ku xigeenkii hore iyo afhayeenkii hore ee kooxda Al-Shabaab kusoo daray xukuumadiisa, si uu u noqdo wasiirka arrimaha diinta iyo Awqaafta Soomaaliya.

Muqtaar Roobow ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku jiray xabsi guri kadib markii ay soo xertay dowladii uu hogaaminayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo.

Roobow oo 53 sano jir ah ayaa bishii Ogosto ee sanadkii 2017 si cad uga soo goostay ururka Al-Shabaab, iyadoo dowladda Mareykanka ay horey madaxiisa mar dul dhigtay lacag dhan 5-milyan oo dollar si loo soo qabto.

Roobow ayaa la xiray dabayaaqadii sanadkii hore ee 2018, maalmo ka hor xilligii loo qorsheeyay inuu ka qeyb galo doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa lagu eedeeyay oo doorashada looga reebay sida ay dowladdii hore sheegtay, inuusan weli buuxin sharuudihii cafiska loogu sameeyay.

Kamid noqoshadiisa golaha wasiiradda ayaa kusoo aadantay, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay inay wada hadal la gasho Al-Shabaab.












Click here
8/3/2022 11:14 AM EST
Arbaco, Ogosto, 3, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa Booliiska Somaliland ku eedeeyay in uu baal maray xeerka booliiska lagu dhaqo.

8/3/2022 9:38 AM EST
Arbaco, Agoosto, 3, 2022 (HOL) - Xildhibaanada Baarlamaanka Maamul goboleeda Hirshabeelle oo Maanta kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa ansixiyay xubnaha Golaha Wasiiradda Hirshabeelle oo laba cesho ka hor uu magacaabay madaxweynaha Maamulkaasi Cali Guudlaawe Xuseen.

8/3/2022 8:44 AM EST
Arbaco, Agoosto, 3, 2022 (HOL) - Culimada dowlad deegaanka Soomaalida, ayaa kullan ay isugu yimaadeen oo uu goob joog ka ahaa madaxweyne Mustafe Cagjar, waxay ku cambaareeyeen duullaankii ururka Alshabaab uu kusoo qaaday gobolka Afdheer.

8/3/2022 7:23 AM EST
Arbaco, Ogosto, 3, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa xisbiyada mucaaradka uga digtay in ay dhigaan mudaharaad anay ogolaansho u haysan.

8/3/2022 7:16 AM EST
Arbaco, Ogosto, 3, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa beenisay war ay warbaahinta Somali Dispatch, ku sheegtay in xukuumada Somaliland si qasab ah ku masaafurisay 34 qof oo Itoobiyaan ah.

8/3/2022 7:06 AM EST
Arbaco, Agoosto, 3, 2022 (HOL) - Hay’adda dambi baarista dalka Kenya ayaa waxay gacanta ku dhigtay nin si aad ah looga baadi goobayay Kenya.

8/3/2022 5:32 AM EST
Arbaco, Agoosto, 3, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Golweyn oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buulo mareer ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in Saakay uu halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray ciidanka ATMIS gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

8/3/2022 2:16 AM EST
Arbaco, Agoosto, 3, 2022 (HOL) - Haweeney Soomaali ah, oo haysata dhalashadsa Holland ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah, kadib markii lagu soo eedeeyay inay lacago boqolaal dollar ah ugu deeqday kooxda Al-Shabaab.