4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 23, 2022
Raysal wasaare Xamse "Waa inaan ka jawaabno dhibaatada dadka reer Hiiraan ee abaarta iyo mida cadawga isugu darsoontay"
 

Talaado, Agoosto, 23, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo kulan uu la qaatay Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa uu kaga dalbaday iney hormuud ka noqdaan u gurmashada shacabka reer Hiiraan, gaar ahaan kuwa dhawaan laga gubay Ceelashii ay biyaha ka cabi jireen iyo deegaanadii ay ku noolaayeen.

Raysal wasaare Xamse ayaa sheegay in dadka reer Hiiraan cadawtinimadii ugu weyneyd ay kala kulmeen Al-shabaab oo ka gubtay ceelashii biyaha iyo guryahoodii, isagoona sheegay in shacabka reer Hiiraan taasi ay usoo dadajisay iney la dagaalamaan Al-shabaab.

"Hiiraan dhibaatada uu cadawga Shabaab ka geystay waad la socotaan oo ceelashii iyo guryahiiba dadka way ka gubeen, marka waxaa ka Culimo ahaan aan idinkaga baahanahay inaad dadka Soomaaliyeed isku xirtaan si aan uga jawaabno dhibaatada dadka reer Hiiraan ee abaarta iyo mida cadawga isugu darsoontay, waa inaad u kacdaan sidii arinkaas aan wax uga wada qaban laheyn oo dadka yar iyo weyn waxii la awoodo kasoo qaadaan aadna isku xirantaan culimada gobolada joogta iyo adinka shirarna ad ka yeelataan dhibaatooyinka jira sidii wax looga qaban lahaa" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Hadalkaan kasoo yeeray Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa imaanaya xili bilowgii bishaan Al-shabaab ay gubeen ilaa 7 tuulo oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo markii horeba ay ka jireen abaaro saameyay dadka iyo duunyada halkaasi ku dhaqana, islamarkaana Al-shabaab ay kaga sii dartay xaaladii haysatay dadkaasi markii ay ka gubeen guryahii iyo ceelashii biyaha laga cabi jiray ee ku yaalay deegaanadaasi.

Dhinaca kale wararka soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in Raysal wasaare Xamse uu ku wajahan yahay magaalada Baledweyne, si uu ugu kuurgalo xaaladaha nololeed ee ka jira deegaanadii dhawaan ka dhaceen dagaalada u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo kaashanayay kuwa deegaanka iyo Al-shabaab oo ay ku barakaceen boqolaal qoys oo markii horaba la daalaan dhacaayay abaaraha xiligaan ka jira inta badan gobolada dalka Soomaaliya.