4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 27, 2022
Wasiirka amniga Soomaaliya oo shaqo joojin ku sameeyay taliyihii ciiddanka Booliiska Soomaaliyeed
 

Arbaco, April, 27, 2022 (HOL) - Wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shaqo joojin ku sameeyay taliyihii ciiddanka booliiska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa taliyaha ciiddanka booliiska Soomaaliya ku eedeeyay inuu si bareer ah uu iskugu dayay in uu u hor istaago doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ee loo balansanyahay maanta oo ah 27 April 2022.

Wasiirka amnigu wuxuu sheegay inuu helay xogo muujinaysa in uu taliyuhu ku howlan yahay falal khatar ku ah bad qabka qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka iyo masuuliyiin sarsare oo xilala muhiim ah kahaya dalka,

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in xilka taliyaha uu si kumeel gaar ah u hayndoono Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Wasiirku waxaa uu faray saraakiisha ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda in ay ka fogaadaan kumilanka siyaasada arimaha doorashooyinka una gutaan waajibaadkooda si dastuuri.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]