4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 26, 2022
Doorashada Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare oo Goordhaw soo gabagaboowday
 

Talaado, April, 26, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa goordhaw soo gabagabeeyay doorashada guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare.

Doorashada guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa waxaa isku soo sharaxay ilaa 7 musharax oo ku tartamay wareegii koowaad, islamarkaana codadka u kala helay sida tan, lyaas Beddal Gaboose oo helay 7 Cod, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo isna helay 12 Cod, Cabdullaahi Cali Xisri (Timacade) ayaa isna helay 16 Cod, Cabdi Cismaan Xareed oo isna helay 4 cod, Sareedo Maxamed Xasan oo  heshay 4 Cod, Cabdiweli Maxamed Ibraahim (Xaabsade) oo helay 4 Cod, iyo Xasan Xuseen Xaaji ayaa helay 5 Cod.

Guddiga doorashada Aqalka Sare ku dhawaaqay wareega labaad iney u gudbayaan afarta Musharax ee ugu codka badan, Waxaana wareega labaad u gudbay afarta musharax ee  kala ah, Ilyaas Beddal Gaboose, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Cabdullaahi Cali Xisri (Timacade), iyo Xasan Xuseen Xaaji.

Tartanka wareega labaad inta uusan bilaaban ayaa waxaa tanaasulay laba Musharax oo kala ah,  Senatar Ilyaas Beddal Gaboose iyo Senatar Xasan Xuseen Xaaji oo ka mid ahaa afarta senator ee u soo gudubtay  wareegii labaad, waxaana wareega labaad ku wada tartamay labada Senator ee kala ah, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Cabdullaahi Cali Xisri (Timacade).

Musharax Cabdullaahi Cali Cirsi Timacade ayaa ugu dambeyn ku guuleystay doorashada guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, kadib markii uu helay 30 cod, halka Musharaxii kale Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag uu helay 23 cod, waxaana halaabay hal cod kaliya sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Aqalka sare.

Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa Maanta sidaasi kusoo gabagabowday, waxaana maalinta berito ah lagu wadaa in ay Teendhada Afisyooni ka dhacdo doorashada guddoomiyaha Aqalka Hoose iyo labadiisa ku xigeen.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online