4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 25, 2022
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo amray in xabsiyada lagasii daayo 60 maxbuus
 

Isniin, April, 25, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa galabta cafis ufidiyay 60 maxbuus oo ku xiran xabsiyada Puntland.

Madaxweyne Axmed Karaash oo talo soo jeedin ka helay Wasaaradda caddaalada iyo xafiiska difaaca xuquuqda Aadanaha ayaa maxaabiistaan u cafiyay fadliga Bisha Ramadaan iyo munaasabada Ciidul Fidriga.

Maxaabiistaan ayaa ah kuwa u xiran dambiyo fudud, kuwaas oo xukunadooda ay wax yar uga harsanaayeen.

Sanad walba Puntland, ayaa xilliyadan oo kale cafis ufidisa maxaabiista, si ay maalinta ciidda qoysaskooda farxada ugala qeyb qaataan.

Cafiskooda ayaa kusoo aaday xilli xabsiyada Puntland ay ku xiran yihiin maxaabiis aad u badan, kuwaas oo qaarkood xukun sugayaal.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]