4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 25, 2022
Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay Madaafiic lagu garaacay degmada Awdheegle
 

Isniin, April, 25, 2022 (HOL) - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo dagaamayaal ka tirsan Al-shabaab ay ku garaaceen degmada Awdheegle ee gobolka Sh/hoose

Madaafiic tiro ahaan lagu qiyaasay tobaneeyo ayaa lasoo sheegaya in Al-shabaab ay ku garaaceen degmada Awdheegle oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana lasoo warinayaa iney madaafiicaasi geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka deegaanka Awdheegle oo qaarkood la hadlay warbaahinta ayaa waxay sheegeen in madaafiicda ay sababeen dhimashada gabar 8 sano jir ah iyo dhaawaca 12 ruux oo sadax ka mid ah askar yihiin, halka sagaal qofoodna ay yihiin dad shacab ah.

Waxaa sidoo kale wararku sheegayaan in maaafiicda lagu garaacay degmadaasi ay sababeen iney gubtaan ku dhawaad 10 guri oo ay daganayeen dad shacab ah.

Ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Awdheegle ee gobolka Sh/hoose ayaa dhankooda ka jawaab celiyay madaafiicda lagu soo garaacay degmada, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in ciidamada dowladda ay haatan u dhaqaqeen dhanka maaafiicda looga soo waararay degmada Awdheegle.

Al-shabaab ayaa inta badan weeraro toos ah iyo kuwa gaadmo ah waxay ku qaadaan xarumaha ay ka sugan yihiin gobolada dalka ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online