4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 25, 2022
Qarax khasaare geystay oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho
 

Isniin, April, 25, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo goordhaw lala beegsaday gaari Cabdibile ah oo maraayay nawaaxiga Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Isbitaalka Kalkaal.

Gaariga qaraxa miino lala eegtay ayaa waxaa saarnaa Sarkaal ka tirsan Militariga Soomaaliya iyo ilaaladiisa, waxaana la sheegay in qaraxa uu ahaa miinada nooca la dhigo wadada dhinaceeda.

Qaraxa ayaa sababay dhimashada sadax ruux oo laba ka mid ah ahayeen askartii gaariga iyo qof shacab ah oo goobta maraayay, waxaana gaariga qaraxa lala beegsaday saarnaa Jenaraal Maamed Xaashi Guuleed oo ka tirsan Militariga Soomaaliya oo wararka soo baxaya ay sheegayaan in Jenaraalka qudhiisa uu soo gaaray dhaawac xoogan.

Gaariga qaraxa lala eegtay ayaa kasoo baxay xarunta Villa Baydhabo waxaana la sheegay inuu kusii jeeday xiliga qaraxa uu qabaaday xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho, waxaana laga yaaba in khasaaraha uu intaa kasii bato.

Lasoco waxii kusoo kordha wararkan

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online