4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 25, 2022
Madaxweynaha Hirshabeelle oo Muqdisho kulan kula qaatay Xildhibaanada labada Gole ee laga soo doortay Hirshabeelle
 

Isniin, April, 25, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Xalay magaalada Muqdisho kulan kula qaatay qaar ka mid ah Xildhibaanada labada Gole ee laga soo doortay maamulka Hirshabeelle.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa Xildhibaanada labada Aqal ee kasoo jeeda Hirshabeelle kala hadlay iney dadaal badan ku bixiyaan sidii doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka sare uu ugu guuleysan lahaa Senatar Cali Shacbaan oo ka mid ah mudanayaasha Aqalka Sare ee laga soo doortay Hirshabeelle, islamarkaana u taagan tartanka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare.

"Madaxweynaha ayaa Mudanayaasha Aqalka Sare kala hadlay inay dadaal badan ku bixiyaan sidii uu Senator Cali Shacbaan Ibraahim ugu guuleysan lahaa doorashada tartanka Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Guudlaawe.

Kulanka Xalay dhexmaray madaxweyne Cali Guudlaawe iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada labada Gole ee deegaan doorashadooda tahay Hirshabeelle ayaa imaanaya xili magaalada Muqdisho si weyn looga dareemayo olalahii ugu dambeeyay oo ay sameynayaan Musharaxiinta u taagan xilka guddoonka labada Aqal.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online