4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 25, 2022
Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Africa ee ATMIS oo bandow Kusoo rogay Xarunta Xalane sababa la xiriira guddoonka barlamaanka

Isniin, April, 25, 2022 (HOL) - Howgalka kumeel gaarka ah ee nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku shaaciyeen bandow ay ku soo rogayaan xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Howlgalka ATMIS ayaa sheegay in bandowga lagu soo rogay xeradda Xalane uu saaraa doono inta u dhaxeysa 26-ka bishaan ilaa 28-ka bishan April.

Xerada Afisyooni oo ku taalla xeyndaabka Xalane ayaa lagu qabanayaa doorashada guddoonka baarlamaanka cusub, kadib markii guddiga doorashada guddoonka barlamaanka uu sheegay in sababa ammaan darteed doorashada looga raray xarunta barlamaanka.

Sidoo kale go’aankan ayey ATMIS sheegtay inay qaadatay kadib markii ay la tashi la sameeyeen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo hoggaanka u haya arrimaha doorashooyinka dalka.

Waxay sheegeen inaan loo dhawaan karin xarunta teendhada Afisyooni, maalmaha ay socoto doorashada guddoonada baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]