4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 24, 2022
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo guddi baariseed u magacaabay shaqaaqadii ka dhacday magaalada Gaalkacyo
 

Axad, April, 24, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa guddi ka kooban 6 xubnood u magacaabay shaqaaqadii dhowaan magaalada Gaalkacyo ka dhacday, taasoo geysatay dhimasho iyo dhaawac.

Madaxweyne ku xigaanka Puntland ayaa guddigan uu magacaabay ugu talo galay inay soo baaraan sababta ka dambeysay shaqaaqadaan iyo cidda masuuliyadeeda lagula xisaabtamayo.

Axmed Karaash waxa uu sheegay baaris ka dib, cid kasta oo falkaas ku lugyeelata in laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

Shaqaaqada Gaalkacyo waxaa ku geeriyooday hal askari, halka ay ku dhaawacmeen taliye ciidankii booliiska Mudug iyo duqii hore ee degmada Gaalkacyo, kuwaas oo dhaawacooda loo qaaday Muqdisho.

Maamulka gobolka Mudug ayaa ku eedeeyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdi Siciid Muuse, inuu masuul ka yahay dhibaatada ka dhacday Gaalkacyo, iyagoo sheegay inuu faraha kula jiray arrimo ka dhan ah xasiloonida magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka arrimaha dibaddu weli wax jawaab kama bixin eedaynta loosoo jeediyay. Balse taliyaha ciiddanka booliiska gobolka Mudug, gaashaanle Muumin Cabdi Shire ayaa cudurdaar ka bixiyay falkaas.

Magacyada guddiga la magacaabay.

1: Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan. (Wasiir ku xigeenka Amniga iyo DDR). Gudoomiye
2: Xil Axmed Jaamac Cabdulle. (Xildhibaan Puntland).
3: Xil Cabdiweli Yuusuf Warsame. (Xildhibaan Puntland).
4: Gen. Caydiid Axmednuur Warsame. (Kusimaha Taliyaha Booliiska Puntland).
5: Aadan Cali Maxamuud. (Kusimaha Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee Puntland)
6: Asad Faarax Maxamed. (Xoghayn)

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]