4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 24, 2022
Qarax lagu xiray gaari Cabdibile ah oo ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne
 

Axad, April, 24, 2022 (HOL) -  Inta la xaqiijiyay laba askari oo ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa ku dhaawacantay qarax miino oo lagu xiray gaari Cabdibile ah oo ay leeyihiin ciidanka Booliiska Saldhiga Xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne.

Gaariga Cabdibilaha ayaa ku dhex qarxay gudaha Saldhiga Xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne, waxaana la tilmaamay in qaraxa miino uu ku xirnaa gaariga.

Wali kama aysan hadlin Taliska ciidanka Booliiska Baledweyne sida ay ku suurta gashay in gaari ciidanka Booliiska uu leehahay oo Cabdibile ah lagu xiro qarax miino, maadama uu gaariga yahay gaari ciidan oo inta badan aysan ka fogeyn ciidamada isticmaala.

Dadka ku dhaqan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saakay si weyn u hadal haayo dhacdaan gaariga Cabdibilaha loogu xiray qaraxa miino oo ah mid ku cusub hanaankii hore ee qaraxyada lagula beegsan jiray gaadiidka ciidanka dowladda, hayeeshee haatan ay mareyso in lagu xiro gaadiidka ciidanka sida gaarka ah u isticmaalaan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online