4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 24, 2022
Kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta Doorashadiisa lagu qabanaayo magaalada Jowhar

Axad, April, 24, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta oo Axad ah ku qabanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/ dhexe doorashada kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee ku harsan maamulka Hirshabeelle.

Kursiga Maanta doorashadiisa lagu qabanayo magaalada Jowhar ayaa tirsigiisu yahay HOP 009, waxaana isku diiwaan galiyay musharaxiinta kala ah Cabdisataar Cabdisalaan Hassan Barsane iyo Cali Xassan Ibrahim.

Hadii ay Maanta qabsoonto doorashada kursigaan waxaa maamulka Hirshabeelle ku hari doono doorashada sadax kursi oo kale oo ah kuwa aad u adag tartankooda, waxaana kuraastaasi ku kala fadhiyo Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo wasiirkii hore ee amniga Abuukar Islow Ducaale iyo kursiga ay ka geeriyootay Aamino Maxamed Cabdi oo ka mid ahaa kuraastii Baledweyne taalay, hayeeshee loo wareejiyay magaalada Jowhar.

Maamulka Hirshabeelle ayaa ah maamulka kaliya ay ku dhiman tahay dhameystirka doorashada kuraasta Golaha Shacabka, iyadoo maamulka Jubbaland uu shalay soo gabagabeeyay doorashadii kuraasta ku harsaneyd ee taalay deegaan doorashada labaad ee maamulkaasi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online