4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2022
Puntland oo ku eedeysay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya inuu ka masuul yahay iska hor imaad ka dhacay Gaalkacyo
 

Khamiis, April, 21, 2022 (HOL) - Gudoomiyaha gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare, ayaa ku eedeeyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdi Siciid Muuse inuu masuul ka yahay iska hor imaadkii caawa ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee lagu dhaawacay taliye ku xigeenkii booliiska gobolka Mudug iyo nabadoon Yaasiin Cabdisamad.

Guddoomiye Sanyare ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibaddu uu Magaalada Gaalkacyo u yimid ka mira dhalinta sida uu sheegay, siyaasad ma dhalays ah iyo khal-khal galinta amniga guud ee magaalada Gaalkacyo.

“Waxaan fariin halkan uga dirayaa Dhamaan Bulshada Gobolka Mudug Dal iyo Dibed waxaad haysataan amni iyo Nabad maanta la isku halayn karo in badan oo kamida Magaalooyinka Somaliya aysan haysan ku fara adayga, kala shaqeeya laamaha amniga Gobolka Mudug wax kasta oo wax udhimi kara nabada Gobolka Mudug,” ayuu yiri guddoomiye Sanyare.

Hadalka guddoomiyaha Mudug ayaa kusoo beegmaya, iyadoo caawa fiidkii uu magaalada Gaalkacyo ka dhacay iska hor imaad dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, kadib markii ciidamo katirsan kuwa Booliiska ay weerareen goob uu ku sugnaa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo odayaal kale.

Weerarkaan ayaa sababay geerida hal askari oo katirsan ilaalada wasiirka arrimaha dibadda iyo dhaawaca dhowr kale oo ay jiraan taliye ku xigeenka booliiska iyo nabadoon Yaasiin C/Samad.
    
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online