3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2022
Wasiirka betroolka Soomaaliya oo looga yeeray xafiiska xeer ilaaliyaha guud
 

Khamiis, April, 21, 2022 (HOL) - Wasiirka betroolka iyo macdanta Soomaaliya ayaa looga yeeray xafiiska xeer ilaaliyaha guud, si wax looga weydiiyo heshiiska uu saxiixay ee dhexmaray wasaaraddiisa iyo Shirkadda Coastline Exploration Limited.

Uyeeritaanka wasiirka Betroolka ayaa qeyb ka ah baaritaan uu xafiiska xeer ilaaliyaha guud ku sameynayay heshiiskii sharci darrada ahaa ee uu wasiirku la galay shirkad shisheeye oo laga leeyahay dalka Maraykanka.

Wasiirka ayaa la faray inuu maxkamadda horyimaado ugu dambayn taariikhdu markay tahay 25-ka bishaan oo ku beegan isniinta todobaadka soo socda.

Amarka kasoo baxay xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya ayaa kusoo aaday iyadoo Shirkadda Coastline Exploration Limited ay ku doodayso inuu sax ahaa heshiiska ay la gashay wasiirka betroolka Soomaaliya.

Madaxda fulinta shirkadda ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble ay ku qanacsanaayeen heshiiska markii wasiirka lala galayay.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
4/21/2022 5:13 PM EST
Khamiis, April, 21, 2022 (HOL) - Gudoomiyaha gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare, ayaa ku eedeeyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdi Siciid Muuse inuu masuul ka yahay iska hor imaadkii caawa ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee lagu dhaawacay taliye ku xigeenkii booliiska gobolka Mudug iyo nabadoon Yaasiin Cabdisamad.

4/21/2022 4:47 PM EST
Khamiis, April, 21, 2022 (HOL) - Hoggaamiyaha TPLF Debrtsion oo warqad udiray Qaramada midoobay, ayaa waxa uu sheegay in Shacabka Tigray aysan wali helin waxyaabo badan oo kamid ah nolosha aasaasiga ah, sida Biyaha, Korontada iyo waxyaabaha lamidka ah.

4/21/2022 2:04 PM EST
Khamiis, April, 21, 2022 (HOL) - Iska hor imaad xooggan oo caawa ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku dhaawacmay taliye ku xigeenkii ciiddanka booliiska gobolka Mudug iyo askar kale oo ciiddanka amniga katirsan.

4/21/2022 10:42 AM EST
Khamiis, April, 21, 2022 (HOL) - Iyadoo maalintii sadaxaad ay socoto howlaha diiwaan gelinta Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan xilka guddoonka Golaha Shacabka iyo labadiisa ku xigeen ayaa guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka Golaha Shacabka waxuu sheegay in maalinta berito ah ay soo gabagabeyn doonaan diiwaan gelinta Musharaxiinta.

4/21/2022 6:44 AM EST
Khamiis, April, 21, 2022 (HOL) - Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jenaraal Cabdi Xasan Xijaar oo ka hadlaayay dilalka ay geystaan ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ciidanka Booliiska dilalka ay geystaan ay ka badan tahay dilalka ayaga loo geysto.

4/21/2022 3:22 AM EST
Khamiis, April, 21, 2022 (HOL) - Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla ayaa maanta mar kale dib loogu doortay kursigeeda aqalka hoose ee sumadiisu tahay hop154.

4/21/2022 3:16 AM EST
Khamiis, April, 21, 2022 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa shaaciyay jadwalka doorashada kursiga HOP 009 oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee ku dhiman maamulka Hirshabeelle.

4/21/2022 2:20 AM EST
Khamiis, April, 21, 2022 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka qeyb galay shirarka sanadlaha ah ee Bankiga Adduunka iyo Hay’adda IMF oo ka socda magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

4/21/2022 1:46 AM EST
Khamiis, April, 21, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ku dhawaaqay inuu la wareegay masuuliyadda hoggaamineed ee Puntland.