5/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 20, 2022
Mid ka mid ah dhalinyarada caanka ka ahaa magaalada Baledweyne oo Xalay lagu dhex dilay hoygiisa
 

Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Waxaa Xalay lagu dilay gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Allah u naxariistee Saciid Xasan Axmed oo loo yaqiinay Saciid Madaxeey.

Dilka loo geystay Saciid Madaxeey oo ahaa shaqsi si weyn looga yaqiinay gudaha magaalada Baledweyne ayaa la sheegay inuu ka dhacay gudaha hoyga uu ka daganaa magaalada Baledweyne.

lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka Marxuumka, hayeeshee warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu salka ku haayo khilaaf ka dhashay haweeney joogtay guriga marxuumka la dilay.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amniga degmada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ku aadan dilka xalay loogu geystay gurigiisa dhexdiisa marxuum Saciid Xasan Axmed Saciid Madaxeey.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
4/20/2022 12:41 PM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - La taliyaha amniga qaranka ee Madaxweyne Farmaajo Fahan Yaasiin Xaaji Daahir ayaa shaaciyay inuu aqbalay go'aankii maanta kasoo baxay maxkamadda sare ee Soomaaliya.

4/20/2022 10:41 AM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta shirjaraa'id si wadajir ah ugu qabtay magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose guddiyada doorashada heer Fedaraal, heer dowlad gobobleed ee Jubbaland iyo kan xalinta khilaafaadka dalka.

4/20/2022 10:04 AM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster, ayaa kala hadlay xaalada suuqii gubtay ee Hargaysa, iyo taakulaynta abaaraha.

4/20/2022 7:36 AM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Maxkamada Sare ee dalka ayaa goordhaw Laashay kiiska dacwada uu Fahad Yaasiin Xaaji Daahir kasoo gudbiyay guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Fedaraal ee FEIT, kaasoo ku saabsana doorashada kursigii uu u tartamay ee HOP 086.

4/20/2022 6:00 AM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Maxkamadda Sare ee dalka ayaa shalay billowday dhagaysiga dacwad uu Fahad Yaasiin, la taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo ka gudbiyay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal, kaddib markii guddiga uu diiday natiijada kursiga HOP86.

4/20/2022 3:51 AM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya iyo shirkad laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa waxaa ka dhex taagan muran ku saabsan sax ahaanshaha heshiiskii shidaal baarista ee bishii February lagu gaaray magaalada Istanbul.

4/20/2022 2:58 AM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Garab katirsan guddiga doorashada heer federal iyo guddiga xallinta khilaafaadka oo shalay tagay magaalada Garbaaheerey ayaa sheegay inay fulinayaan heshiiska doorashada 16 ka kursi ee taala gobolka Gedo.

4/20/2022 1:55 AM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu Somaliland burburinayo.

4/20/2022 1:45 AM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Karaash ayaa sheegay inuu sii dayndoono warbixin ku saabsan xaaladda guud ee Puntland.

4/20/2022 1:40 AM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay guddoomiyaha maamulka gobolka Galgaduud.

4/20/2022 1:29 AM EST
Arbaco, April, 20, 2022 (HOL) - Waxaa xalay magaalada Laascaanood dablay hubaysani ku dishay Isu-duwihii Hay'adda Qandaraasyada Somaliland ee gobolka Sool Maxamed Cabdilaahi Faarax (Jeeri).