4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 19, 2022
Maamulka degmada Kaxda: Waxaan haynaa xog ku saabsan dadkii dilay Abwaan Bedel

Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Marxuum Abwaan Beddel Jaamac ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho, kadib markii kooxo hubaysan ay xalay ku dileen degmada Kaxda, isagoo kasoo baxayay masjid uu ku tukaday salaadii maqrib.

Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Yuusuf ayaa sheegay inay hayaan xog ku saabsan dadkii dilay Abwaan Beddel, isagoo sheegay inay ugu galidoonaan meel kasta oo ay galaan dadka falkaas ka dambeeyay.

“Raadad baan, xogaan haynaa, meel kastaan ugu tegidoonnaa. Waxaan u sheegaynaa ciddii gacantaas geysatay inaysan naga dhuumandoonin, naga hoyandoonin,” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Yuusuf.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilka Abwaanka, inkastoo madaxtooyada Soomaaliya ay ku eedeysay inay ka dambeeyaan kooxda Alshabaab.

Abwaan Beddel wuxuu ahaa Abwaan caan ah oo ka hadli jiray arrimaha siyaasada. Wuxuu taageeri jiray dowladda, wuxuuna aad ugasoo horjeeday oo saxaafadda ka dhaliili jiray mucaaradka.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online