4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 18, 2022
Booliiska Degmada Dharkenleey oo Howlgalo ku soo qabqabtay Ciyaal weero tiro badan
 

Isniin, April, 18, 2022 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska Degmada Dharkenleey ee gobolka Banaadir ayaa howlgalo ay ka sameyeen gudaha xaafadaha degmadaasi oo lagu bartilmaameedsanaayay ciyaal weero dhibaato xoogan ku haya shacabka degan xaafadaha degmada Dharkenley.

Ciidamada ayaa howlgaladooda waxay kusoo qabqabteen tiro farabadan oo ka mid ah ciyaal weerada, kuwaas oo ku hubeysna Midiyo, budad, dhagaxaan iyo waxii la mid ah.

Tirada ciyaal weerada ahaa ee gacanta kusoo dhigeen ciidanka Booliiska ayaa la isugu geeyay Saldhiga degmada Dharkenley, xili ay ku guda jireyn howshooda weerada ah ee ay ku dhibaateynayaan dadka ku dhaqan degmada.

Taliyaha ciidanka Saldhiga Booliiska Degmada Dharkenley Macalin Aadan oo Warbaahinta la hadlay ayaa waalidiinta dhalay dhalinyarada howlgalka lagusoo qabtay ee u xiran hay’adaha amaanka ka dalbaday in ay caddaaladda ku simaan xukunka dhalinyaradaas.

“Haddii ubadkaaga oo lagu hayo fal-dambiyeed cad oo ay gacanta ku dhigaan Laamaha ammaanka ee aad dhahdid kama tirsano waa inkiraad, haddii aad isku daydid in aad qariso ayaa lamid ah, Hooyo iyo Aabbe kasta ee Dharkeynley kunool fadlan haddii carruurtiina mindi lagu dhufto ama dhagax waa idinku dhib, haddii iyagana lagu dhufto waa sidaas oo kale, Laamaha ammaanka kala shaqeeya sidii wax looga qaban lahaa si loo kala badbaadiyo dhalinyarada” ayuu yiri Taliyaha Booliiska Degmada Dharkenley.

Masuuliyiinta horkacaysay howgalka Xalay lagu soo qabqabtay dhalinyarada ciyaal weerada ah oo warbaahinta la hadlay Howlgalka kadib, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howgalada noocaan ah oo ay kula dagaalamayaan ciyaalka weerada marba marka ka dambeysa ay soo kordheyso dhibaatada ay ku hayaan shacabka Muqdisho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online