4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 17, 2022
Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo booqday Jaamacadda Cilmiga Amniga ee dalka Sacuudiga

Axad, April, 17, 2022 (HOL) - Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa booqasho ku tagay Jaamacadda Naif Carab ee Culuumta Amniga ee magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.

Wasiirka amniga Soomaaliya iyo wafdigii la socday ayaa waxaa qaabilay Madaxweynaha jaamacadda Naif, Dr. Abdulmajeed bin Abdullah Al-Bunyan iyo mas’uuliyiin dhowr ah.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa wadashaqeynta NUSS, Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya iyo Hay’adaha Amniga ee labada dal.

Wasiirka ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay dadaalka ay Jaamacadda Naif ugu adeegeyso amniga Carabta, isagoo ku ammaanay doorka ay ka qaadanayaan xoojinta amniga Carabta iyo guud ahaan gobolka.

Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay rabitaanka hay'adaha amniga Soomaaliya si ay u xoojiyaan iskaashiga tacliinta, tababarka iyo cilmi-baarista ee jaamacadda NUSS.

Horay, Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa Jeddah kula kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Sacuudiga Amiir C/casiis Bin Sacuud Bin Naa’if. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amniga ee wadajirka ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online