3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 16, 2022
Guddoomiyaha KMG ah ee barlamaanka Soomaaliya oo codsaday in si degdeg ah loosoo gabagabeeyo doorashada guddoonka barlamaanka
 

Sabti, April, 16, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee golaha shacabka Soomaaliya, Cabdisalaan Xaaji Axmed (Dhabancad) ayaa ka codsaday xidlhibaannada in la dadajiyo doorashada guddoonka barlamaanka, si uu dalka uga baxo sharciyad la’aanta hay’addaha dastuuriga ah.

Guddoomiyaha barlamaanka oo maanta shir guddoomiyay kulankiisii ugu horreeyay ee golaha shacabka ayaa waxaa la guda galay dhismaha guddiga doorashada guddoonka barlamaanka.

Dhabancad wuxuu sheegay in Soomaaliya uu saaran yahay cadaadis xooggan oo ku aadan in lagala laaban karo qorshaha dayn cafinta, haddii aan si degdeg ah doorashada loosoo gabagabayn.

Xildhibaannada ayaa ku diiday guddoomiyaha qorshe la xiriira inuu isagu soo magacaabo xubnaha guddiga doorashada. Wuxuu kadib xildhibaannada usoo bandhigay inay usoo gudbiyaan xubnaha danaynaya inay noqdaan guddiga doorashada doonaya.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in si rasmi usoo baxaan guddiga doorashada, kuwaas oo ka shaqeyndoona diyaarinta doorashada guddoomiyaha barlamaanka iyo ku xigeennadiis.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
4/16/2022 4:01 PM EST
Sabti, April, 16, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland, ayaa sheegtay in sharciga lala tiigsanayo wariyayaashii tabiyay dhacdadii Jeelka Wayn ee Hargaysa, iyadoo dhinaca kale sheegtay in ay ka xuntahay xadhiga suxufiyiinta.

4/16/2022 12:43 PM EST
Sabti, April, 16, 2022 (HOL) - Xafiiska Garyaqaanka guud ee Soomaaliya ayaa maxkamadda sare ee dalka ka codsaday inay diido dacwadda lagasoo gudbiyay go'aanka guddiga doorashadu ku hakiyay kursiga Fahad Yaasiin.

4/16/2022 12:12 PM EST
Sabti, April, 16, 2022 (HOL) - Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta sheegay in hanjabaad iyo baahdil uu kala kulmay taliyaha booliska Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi.

4/16/2022 8:04 AM EST
Sabti, April, 16, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha kumeel gaarka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdisalaan Axmed Dhabanacad ayaa magacaabay xubnaha guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo ka kooban 10 xubnood, kadib markii Maanta Golaha ay yeesheen kulankoodii ugu horeeyay.

4/16/2022 5:19 AM EST
Sabti, April, 16, 2022 (HOL) - Labo sannadood ka hor markii Faadumo Cali ay sheegtay inay iska dhaaftay shaqadii kalkaalisannimada oo ay furaneyso ganacsi ay iyadu leedahay, dad badan ayaa ku tilmaamay in ay waalantahay, balse shirkadeeda hadda waxay haysataa lacag dhan malaayiin Yuuro.

4/16/2022 5:16 AM EST
Sabti, April, 16, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw si rasmi ah u furmay kulankii ugu horeeyay ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya, waxaana kulanka shir guddoominaya guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka.

4/16/2022 4:15 AM EST
Sabti, April, 16, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka lagu magacaabo Warmaxan oo ka tirsan gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay dagaal kula wareegeen deegaankaasi.

4/16/2022 3:12 AM EST
Sabti, April, 16, 2022 (HOL) - Howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa la filayaa in uu yeesho hogaamiye cusub maalmaha soo socda kadib markii uu xumaaday xiriirka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo madaxii hore howlgalka.

4/16/2022 3:04 AM EST
Sabti, April, 16, 2022 (HOL) - Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig oo katirsan barlamaanka Soomaaliya ayaa markii labaad iskusoo sharraxay xilka guddoomiyaha golaha shacabka, isagoo u arka fursad uu kusoo bixi karo.

4/16/2022 2:07 AM EST
Sabti, April, 16, 2022 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe iney ku qabtaan doorashada hal kursi oo sumadiisu tahay HOP 106, kaasoo ay ku tartami doonaan ilaa lix Musharax.

4/16/2022 1:56 AM EST
Sabti, April, 16, 2022 (HOL) - Soomaaliya ayaa loo doortay in ay noqoto Guddoomiyaha Ururka Horumarinta Beeraha Carabta ee Jaamacadda Carabta labada sano ee soo socota.