4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 9 , 2022
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya oo ka qeybgalay shirweynaha Wasiiradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee wadamada Islaamka OIC
 

Jimco, September, 9, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa magaalada Jidda ee wadanka Sacuudi Carabiya uga qeybgalay shir weynaha 5-aad ee wasiirada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee dalalka Islaamka.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka Wasiiradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dalalka Islaamka, waxuu kaga hadlay muhimada ay leedahay in dhallinyarada ku nool geeska Afrika, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed sidii loogala dagaalami  lahaa fikradaha argagaxisanimo iyo ficilada Xagjirnimada ah.

" Waxaan khudbad ka jeediyay shirweynaha Wasiirrada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee wadamada Islaamka OIC. Khudbaddayda waxaan diirradda ku saaray sida Gacan looga Geysan lahaa Hormarinta Dhalinyarada Geeska Gaar ahaan Kuwa Soomaliyeed iyo in lagama maarmaan utahay in qorshe midaysan looga yeesho la dagaalanka fikirka xagjirnimada, dowladda Soomaaliya waxay muhimad gaar ah siineysaa istiraatijad cadna ka yeelaneysaa qorshaha dhallinyarada,  shaqo abuurka, waxbarashada, la dagaalanka fikirkadaha qaloocan iyo sameynta goobaha Dhallinyarada" ayuu yiri Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaraddiisa ay ku hawlan tahay sidii loo jihayn lahaa Mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed shaqo abuurna loogu sameynayn lahaa, islamarkaana dib loogu dayactiri lahaa garoomadii ciyaaraha kuwo cusubna loogu dhisi lahaa.