4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 6 , 2022
Dowladda Itoobiya oo TPLF ku eedaysay inay xiriir la leedahay Al Shabaab iyo Shane
 

Talaado, September, 6, 2022 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in kooxda TPLF ee dagaalka kula jirta dowladda Itoobiya ay xiriir wada shaqayn ah la leeyihiin kooxaha ay dowladdu ku tilmaantay Argagaxisada ee Al Shabaab oo Soomaaliya ka dagaallanta iyo Shane oo iyaguna ka dagaallama gobolka Oromiya ee dalka Itoobiya, sida lagu daabacay Warbaahinada kala duwan ee ku hadla Afka dowladda Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in TPLF ay qoraal ay soo saareen oo qarsoodi ahaa ay ku sheegeen inay wada shaqayn leeyihiin kooxaha ay dowladdu ku tilmaantay Argagaxisada ee Al Shabaab iyo Shane, balse warkaas laguma daabicin Warbaahinta ku hadasha Afka TPLF.

TPLF ayaan iyadu wali ka hadlin warka dowladda kasoo baxay, ee ku aadan inay wada shaqayn leeyihiin Al Shabaab oo Soomaaliya ka howlgala iyo Shane oo ka howlgasha gobolka Oromiya ee dalka Itoobiya.

Dowladda ayaa sidoo kale ku eedaysay TPLF inay xasuuq u gaysatay dad shacab ah oon waxba galabsan, iyadoo sheegtay in TPLF ay taageero hub ka helayso kooxaha ay dowladdu ku tilmaantay Argagaxiso ee Al Shabaab iyo Shane.

Kooxda Shane ayaa ah koox ka go'day Ururka OLF ee Oromada oo isagu nabadda qaatay, si xor ahna uga shaqeeya gobolka Oromiya, kooxda Shane ayaa dalka Itoobiya looga yaqaanaa dowladduna u aqoonsan tahay Urur Argagaxiso oo lamid ah Ururka Al Shabaab.

Wali waxay xurguf dagaal oo ba'an u dhaxeysaa dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF, iyadoo wararka qaarna sheegayaan in dalka Eritariya uu dagaalka Itoobiya qayb ka yahay, isagoo ka barbar dagaallamaya dhanka dowladda Itoobiya.

Tan iyo intay socdeen dagaallada ka soconaya Waqooyiga Itoobiya ee u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo TPLF, waxaa jiray dacaayado ay labada dhinac isu gudbinayeen, iyagoo sidoo kale midba ka kale ku eedeeyay inay hawada u laaleen hawlihii xabbad joojinta iyo wada hadalladii la rajaynayay inay dhex maraan dowladda Itoobiya iyo TPLF.