4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 4 , 2022
Alshabaab: Qabiilkii dowladda soo raaca ee garab siiya wuxuu noola mid yahay cadowga aan dagaalka kula jirno
 

Axad, September, 4, 2022 (HOL) - Ururka Alshabaab ayaa ku eedeeyay dowladda federalka Soomaaliya inay abaabulayso qabaa’ilada Soomaaliyeed oo ay ogyihiin qabiilo heshiis kula galay  dagaalka Alshabaab.

Afhayeenka kooxda Alshabaab, Cabdicasiis Abuu Muscad oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka Shabaab, ayaa wuxuu sheegay in aysan dagaal kula jirin qabaailada Soomaaliyeed. Balse, wuxuu tilmaamay inuu socdo qorshe ay iska kaashanayaan dowladda iyo odayaasha.

Wuxuu sheegay qorshahaas inuu yahay mid lagu hubaynayo dadka shacabka ah, si buu yiri loo dagaal galiyo.

Afhayeenka Alshabaab ayaa wuxuu si toos ah ugu hanjabay qabiilkii dowladda soo raaca ee hubka soo qaata oo garab siiya dowladda, inay ula dagaalamayaan, si lamid ah dowladda iyo ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan.

Hadalka Abuu Muscab wuxuu kusoo beegmay iyadoo Alshabaab ay habeen hore gobolka Hiiraan ku dileen in ka badan 20 ruux, kuwaas oo ahaa dad shacab ah oo safar ahaa.

Waxaa lagu eedeeyay Alshabaab inay hab qabiil u beegsadeen dadka lagu la laayay deegaanka Afar-irdood ee gobolka Hiiraan, halkaas oo waayahan dambe ay ka socdeen howgallo ka dhan ah Alshabaab.