4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 20, 2022
Ciidamada Dowladda oo Maanta dagaal xoogan kula wareegay deegaanka Sinadhaqo ee gobolka Galgaduud
 

Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Maanta dagaal xoogan Al-shabaab ugala wareegay gacan ku heynta deegaanka Sinadhaqo oo dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

Dagaal aad u xoogan ayaa lasoo wariyay in ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab uu ku dhexmaray deegaankaasi, kadib markii ciidamada dowladda ay weerarka ku qaadeen ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay iney halkaasi isku aruursanayeen.

Dagaalka dhexmaray labada dhinac ayaa la sheegay inuu ahaa mid la isku adesgsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac, walow aanan la xaqiijin karin inta uu dhan yahay khasaaraha kala gaaray.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ee Maanta la wareegay deegaanka Sinadhaqo oo la hadlay warbaahinta dowladda waxay sheegeen in ciidanka dowladda ay horay u dhaafeen Sinadhaqo ayna sii baacsanaya Al-shabaabkii ay ka saareen deegaanka, islamarkaana ay haatan gaareen tuulada Labidulle oo 15 KM u jirta deegaanka Sinadhaqo ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkaan ay Maanta ciidanka dowladda kula wareegeen deegaanka Sinadhaqo oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Dhuusamareeb ayaa imaanaya xili Maanta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay Al-shabaab kala wareegeen deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan oo Al-shabaab ka talinayeen 10-kii sano ee lasoo dhaafay.