4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 2 , 2022
Wasiirkii hore ee qorshaynta Soomaaliya oo xil culus looga magacaabay IGAD
 

Jimco, September, 2, 2022 (HOL) - Wasiirkii hore ee qorsheynta iyo maalgashiga caalamiga ah ee xukuumaddii hore Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa loo magacaabay madaxa xarunta la qabsiga cimiladda iyo ilaalilnta Deegaanka ee ururka goboleedka IGAD.

Wasiir Jamaal ayaa kamid ahaa wasiiraddii ugu saamaynta badnaa xukuumadii hore ee Soomaaliya, wuxuuna aad ugu dhawaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Raysal wasaare Xamse oo dhawaan aad ugu ammaanay wasiir Jamaal shaqada uu ka qabtay wasaaradda qorshaynta Soomaaliya xilli uu xilka wareejinayay, ayaa warar aan si rasmi ah weli u xaqiijin waxay sheegayaan in raysal wasaaruhu door ku leeyahay xilka loo magacaabay Jamaal Xasan.

Jamaal Maxamed Xasan wuxuu tobankii sano ee lasoo dhaafay aad uga dhex muuqday siyaasada Soomaaliya. Markii ugu horraysay wuxuu safiir kasoo noqday dalka Kenya 2015-2017. Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa xilkaas u magacaabay.

Jamaal waxa uu sidoo kale xildhibaan soo noqday shantii sano ee lasoo dhaafay. Waxay si adag isaga horyimaadeen madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo ka hor istaagay inuu mar labaad kusoo laabto kursiga barlamaanka Soomaaliya ee beeshiisa.