9/23/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 18, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inay diyaar garow xooggan ugu jiraan xorraynta Jubbada dhexe
 

Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay guulo ka soo hooyeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

"Waxaan aragnaa dardar xooggan oo ka dhan ah al-Shabaab, waxaana rabnaa inaan sii wadno si aan uga adkaano koox caddaysatay caga-jugleyn iyo dilka dadka aan waxba galabsan," ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in dowladdiisu ay abaabul xooggan ka wado deegaannada maamulka Jubbaland.

Wuxuu sheegay inuu socdo diyaar garow lagu doonayo in Al-Shabaab looga xoreeyo gobolka Jubbada dhexe ee koonfurta Soomaaliya, oo ah gobolka kaliya ee dalka ka tirsan oo Alshabaab gacanta ku hayaan.

Xasan Sheikh wuxuu sheegay dowladiisa in ay ku dhiiraneyso iska caabinta Maleeshiyo beeleedka deegaanka oo loo yaqaano Macaawisleyda ay ka wadaan Hiiraan iyo Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

“Mar haddii ay u adkeysan waayeen handadaada, baadda iyo afduubka carruurtooda, hadda qaar ka mid ah beelaha deegaanka ayaa sheegaya in ay bilaabeen la dagaalanka Al-Shabaab,' ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Wuxuu sheegay madaxweynuhu inay dowladdu taageerayso abaabulka beeluhu isaga diulqaadayaan Alshabaab, si buu yiri dadka ugu noolaadaan nabad iyo sharaf.












Click here
9/18/2022 4:29 PM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay furitaanka shir weynaha 48aad ee Shaqada Jaamacadda Carabta.

9/18/2022 3:10 PM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa maanta xafiiska ku qaabishay Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya , Amb. Fei Shengchao.

9/18/2022 10:04 AM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa afxumo ku tilmaamay hadalkii uu madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay in aanu aqbalayn madaxbannaanida Somaliland.

9/18/2022 5:46 AM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel Jiqoow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay goordhow oo Maanta ah gubeen dhamaan guryahii iyo Ceel biyoodkii ku yaalay deegaakaasi.

9/18/2022 5:39 AM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo u jeedinaayay khudbad dhinacyo badan taabaneyso oo quseysa arrimaha Soomaaliya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa ka dalbaday iney garab istaagaan Walaalahooda ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya ee abaartu saameysay.

9/18/2022 5:35 AM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Puntland ayaa maxkamad horkeentay wasiir ku xigeenkii hore ee kalluumeysiga Puntland Cabdirixmaan Salaad Jowle.

9/18/2022 5:32 AM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka jawaabaya hadalkii madaxweynaha Soonaaliya ee ahaa "Ma ogoli gooni isutaaga Somaliland", ayaa sheegay in madaxbannaanida Somaliland tahay go'aan shacbi oo aan la badali karin.

9/18/2022 2:07 AM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay inay dowladdiisa kasoo horjeedo wax kaste ah oo gacan ka geysanaya gooni isku taaggaa Somaliland.

9/18/2022 1:53 AM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ayaa saacadahii lasoo dhaafay Al-shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.