4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 16, 2022
Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb galaysa toddobaadka Shidaalka Afrika
 

Jimco, September, 16, 2022 (HOL) - Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdirisaaq Maxamed Cumar, ayaa si rasmi ah uga qeyb galaya toddobaadka saliidda Afrika ee 2022 3-7 October, kaasoo ka dhacaya bartamaha magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Wasiirka batroolka Soomaaliya ayaa ku biiri doona in ka badan 30 wasiir oo ka qeyb galidoona shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Hyve Group Pl oo qaban qaabiyaha bandhigyada caalami ah ee arrimaha shidaalka.

Todobaadka saliidda Africa waa madal isu keeni doonta hormoodka daneeyayaasha tamarta.

Qoraal kasoo baxay Afrika Oil Week, ayaa lagu sheegay in wasiir batroolka ay ka go’an tahay inuu abuuro suuq soo jiidasho leh islamarkaana uu mudnaanta siin doono sahaminta, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo iskaashiga gobolka si loo helo Geeska Afrika oo laf dhabar u ah dhaqaalaha qaaradda.

Todobaadka bandhigga shidaalka Afrika ayaa kusoo aaday, iyadoo uu khilaaf ka taagan yahay sahminta shidaalka Soomaaliya. Maamulka Puntland oo kamid maamul goboleedyada dalka, ayaa sharci darro ku tilmaamay tallaabada dowladda ee qandaraas bixinta shidaalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa looga digay halis badan oo ka imaan karta isku dayo baalmarsan gabi ahaanba dastuurka iyo xeerarka Soomaaliya.