Axad, October, 9, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo
baxaya dagaalo xoogan oo Maanta ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa
dadka deegaanka iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Jiciboow oo qiyaas ahaan
30 KM degmada Buulaburte kaga beegan dhinaca Waqooyi.
Dagaalka Maanta ka dhacay deegaanka Jiciboow ayaa la sheegay
inuu qaatay saacado badan, kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala
duwan, waxaana dagaalka uu yimid kadib markii Ciidamada is garabsanaya ay
weerar ku qaadeen deegaanka Jiciboow oo la tilmaamay in Al-shabaab dhaqdhaqqayo
kala duwan ka wadeen.
Wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya Khasaaraha
dhashay dagaalka Maanta ka dhacay Jiciboow waxay sheegayaan in ku dhawaad 10
ruux oo dhinacyada dagaalamay ah ay ku geeriyootay dagaalka, islamarkaana
dhaawaca uu intaasi ka badan yahay, hayeeshee ma jirto war rasmi ah oo kasoo
baxay labada dhinac oo ku aadan khasaaraha kala gaaray.
Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa lasoo
warinaya in haatan gacanta si buuxdo ugu hayaan deegaanka Jiciboow, waxaana
lasoo sheegaya in shabaabkii laga saaray deegaanka aysan wali ka fogeen
nawaaxiga deegaanka, islamarkaana labada dhinacba galinkii dambe ee Maanta soo
kala gaareen gurmad ciidan.
Dagaalkan ka dhacay deegaanka Jiciboow ayaa qeyb ka ah howlgalo
ka dhan ah Al-shabaab oo mudooyinkii dambe ay ka wadeen deegaanada gobolka
Hiiraan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka,
waxaana xusid midan in Shabaab howlgaladaasi looga saaray inta badan
deegaanadii ay kaga sugnayeen gobolka Hiiraan.